Monday, November 26, 2012

Taariikhdii iyo fankii Xasan Sheekh Muumin

Taariikhdii iyo fankii Xasan Sheekh Muumin




Cali Seenyo


Hassan Sh Muumin waxa uu ahaa abwaan caan ah

Xasan Shiikh Muumin, oo ahaa abwaan weyn oo Soomaaliyeed, ayaa ku geeriyooday magaalada oslo ee dalka Norway, habeennimadii xalay oo bishan January ahayd 16.



Dhegayso barnaamijka
http://www.bbc.co.uk/somali/news/story/2008/01/080117_obituary1.shtml

somali



Abwaan Xasan Shiikh muumin, Alle ha u naxariistee, waxaa uu ka mid ahaa odayaasha uga fac iyo magac weyn fanka Soomaalida.



Riwaayaddiisii Shabeel Naagood oo ay dad badani ku tilmaamaan in ay tahay horyaalka Riwaayadaha Soomaaliyee ayaa maskaxdiisa ka soo fushay.



Barnaamijkan oo ay BBC-du ku eegeyso hal abuurkii Abwaan Xasan Shiikh Muumin, waxaan ku billaabayaa barnaamij ay BBc-du hadda ka hor ka sameysay abwaanka, oo ku saleysan Riwaayaddiisa Shabeel Naagood oo tiyaatarkii Muqdisho lagu duubay, waxaa barnaamijkaasi sameeyay Maxamed Rashiid Shiikh Xasan oo xilligaas ka tirsanaa BBC.



Heesta Ramadanka ee Marxab Marxab ayaa ka mid ah kuwa lagu xasuusto oo isaga qudhiisa uu ku luuqeyay.



Waxaad kaloo ku maqleysaan barnaamijkan gaarka ah mid ka mid ah heesaha uu sameeyay abwaanka Xasan Sh Muumin, waa heesta Laaleys oo ay ku luuqeyso fannaanadda caanka ah Hibo Maxamed.







Ugaasyadaii soomaray Beesha Gadabuursi: Mandaluug Dir Suldanada Awdal

Image


Taariikhda Ugaasyada Gadabuursigu, Waa Taariikhda Ummadda Gadabuursiga





Magacyada Ugaasyada beesha Gadabuursi / Samaroon



Courtesy of Saylac.com:-Sida ku cad buuga tariikhda qadiimka ee Adal lagu qoray waxa markii ugu horeysay tariikhda loo soo saarey wakhtigii iyo magacyadii Ugaasyada Beelaha Samaroon iyo goobtii lagu caleemo saarey ee dhulka la odhan jiray Adal waxayna kala yihiin sidatan hoos ku qoran:

Tiradii Ugaasyada Beelaha Samaroon ayaa lagu sheegay 60 Ugaas waxaana ugu magacyo weynaa 16 Ugaas ee hoos ku qoran ( Tariikhda boqortooyada Adal) found by Saylac Media at Harar Old Museum .



Magaca Ugaaska Tariikhda caleemo Saarka Goobta lagu Caleemo Saarey

Ugaas Cali 1639 kii Saylac

Ugaas Cabdi Ugaas 1639 kii Saylac

Ugaas Xuseen Ugaas Cabdi 1664. Saylac

Ugaas Cabdile Ugaas Cabdi 1665. Saylac

Ugaas Nuur Ugaas Cabdi 1698 Saylac

Ugaas Hiraab 1733 Saylac

Ugaas shirdoon 1750. Saylac

Ugaas samatar 1772 Saylac

Ugaas Guuleed. 1812. Saylac

Ugaas Rooble 1871. Harawo

Ugaas Nuur Ugaas Rooble 1835. Saylac

Ugaas Rooble ugaas nuur .1888. Saylac

Ugaas Cilmi warfaa 1898 Harawo

Ugaas Cabdi Ugaas rooble. 1938. Harawo

Ugaas Doodi 1948 Harawo

Ugaas Rooble Ugaas Doodi 1952. Harawo

Ugaas Jaamac Muxumed 1960 Harawo

Ugaas C/rashiid Ugaas Rooble. 1985- Hada waa Ugaas Borama



About these ads Share this: Share

Facebook1TwitterGoogle +1PrintEmailLinkedIn

Xildhibaanada Beesha Isaaq iyo siyaasiintooda Hargaysa oo ka dagaalamaaya in Professor Samatar loo magacaabo Ra’iisal-Wasaare


maqaalkan oon nedka ka soo guurinay maxaa ka jira ? Ma dhabaa ? Bal Dirka Koonfur hadii aad u warheysaan arrintan ka falaanqooda?

Xildhibaanada Beesha Isaaq iyo siyaasiintooda Hargaysa oo ka dagaalamaaya in Professor Samatar loo magacaabo Ra’iisal-Wasaare


Wadhaf News-Sep.24, 2012: Dadka siyaasada u dhuun daloola ayaa la socda in hirdi weyn oo siyaasadeed Muqdisho ka jiro mudooyinkii ugu dambeeyay ee ay socdeen hawlihii lagu soo afjaraayay dawlidii ku meel gaarka ahayd ee wakhtigeedii dhamaaday. Hirdigaa siyaasadeed oo weli socdaa waa mid dibada soo dhigay siyaasado guracan oo beesha Isaaq ku soo bandhigtay Muqdisho balse raad ku yeelan doono siyaasadaha u dhexeeya beelaha Waqooyiga Somalia.





Waxaan ogsoonahay olalihii doorashada Madaxweynuhu intuu socda, beesha Isaaq ay gabi ahaanba la safteen Sheekh Shariif iyagoo ka baxay axdi ay la galeen Professor Samatar oo ay deggaan ka so wadajeedaan. Go’aanka xildhibaanada Isaaq wuxuu ka dambeeyay markii xukumada Silaanyo ergo saddex nin ah oo Duur (Wasiirka Gudaha S/L) hogaaminaayo qarsoodi ugu dirtay Muqdisho saddex maalmood ka hor doorashada Madaxweynaha Somalia. Ergadaasi waxay xildhibaanadii Isaaq ka dhaadhiciyeen in beesha Isaaq ina Samatar wax cod ah siin, waxayna arrinta u dhigeen in Dr Samatar khatar ku yahay danaha Isaaq isla markaana uu wiiqayo miisaanka Somaliland marka dib loo bilaabo wadahadalada ay Somalia la wadeen. Laakiin sobobta ay Professor Samatar ku diidan yihiin way ka gun dheertahay sidaas ay u dhigeen.



Waxaa cadaatay in Beesha Isaaq toos uga safato Dr Samatar oo ka soo jeeda Beesha Gadabuursi isagoo ah aqoonyahan midnimada Somalia ay mabda’ u tahay. Kadib markii doorashadii madaxweynuhu ay dhamaantay waxa loo gudbay olalihii jagada Ra’iissalwasaraha oo dhextaal beesha Direed iyo Darood.



Shir ay isku yimaadeen beelaha Direed todobaadkan waxaa lagu go’aamiyey in beelaha Direed si wadajir ah ugu taageeraan Professor Samatar in loo magacaabo jagada Ra’iisal Wasaaraha. Waxayna isku raaceen in go’aankooda u gudbiyaan madaxweynaha Somalia. Haseyeeshee, go’aanka beesha Direed waxa si toos ah uga horyimid beesha Isaaq oo iskood toos ugu tagay Madaxweynaha kana dalbaday inuuna marnaba Profassor Samatar uu magacaabin Ra’iisal wasaare. Cidkale oo Dir ah xildhibaanada Isaaq may taageerin balse waxay Madaxweynaha u sheegeen oo kaliya in ay ka soo horjeedaan magacaabida Professor Samatar. Go’oankaa beesha Isaaq wuxu cadeynayaa in beeshaasi si cad u tageertay in Ra’iisal Wasaaruhu ka yimaado beelsha Daarood . Go’aankaa beesha Isaaq wuxuu daaha ka rogay cadaawada ay uu hayaan beesha Gadabuursi iyagoo iska dhaadhiciyay inuu Professor Samatar iyaga khatar ku yahay ugana roontahay inay taageeraan nin Darood ah halkii ay walaalkooda Waqooyiga ka soo jeeda ay taageeri lahaayeen.



Yaa u fadhiyay in beesha Isaaq la saftaan nin Daarood ah kana saftaan Professor Samatar oo marna Dir la ah Isaaq marna Waqooyi ka soo jeeda sida Isaaqa, marna ah aqoon yahanka ugu cilmi badan soomali?



Tan iyo intii la galay ololaha lagu hananaayo jagooyinka ugu sareeya ee madaxda dawlada, beesha Isaaq geed dheer iyo mid gaaban waxay u kortay sidey isku hortaagi lahayd in beelaha Gadabuursi wax ka noqoto Somalia . Ficikaa guracan iyo hagardamooyinka ay ku kaceen beesha Isaaq waxay ka turjomayaan farsamo xumo siyaasadeed oo khasaare weyn u keeni doontaa Waqooyiga Somalia. Halkaana waxaa lagu xabaalay wadajirkii iyo wada noolaashii beelaha Woqooyi waxaana sobobta iska leh beesha Isaaq oo wadajirkii Waqooyiga ku xabaashay Moqdhisho.



Shiki kuma jiro in weli beesha Isaaq iyo siyaasiintooda Hargaysa wadaan hawgalo salkoodu yahay inay siyaasada Somalia ku talaalaan ujeedooyinkooda siyaasadeed oo ay ugu weyntahay in somalida laga dhaadhiciyo in Waqooyigu la micno yahay Isaaq, beelaha kale ee Waqooyiguna ay ku jiraan shandada Isaaq. Fikirkaa xaqiiqada ka duwan ee beesha Isaaq ka midaysan tahay oo ahaa mid ay hoos-hoos u wadi jireen wuxuu ku soo shaac baxay Muqdisho, balse ismay weydiin khaladkaa siyaasadeed awaaqib xumada uu iyaga ku yeelan doono. Waxaana hubaal ah in ciyaarta ay Muqdisho ka dheeleen, xaladeedu ka dhici doonto Waqooyiga.



Aan soo afjarno maqaalkee, Madaxweynaha cusub iyo beelaha konfureed waxaa iyagana hortaala inay kala doortaan Gooni-goosatada beelaysan iyo beelaha kale ee woqooyiga deggan ee aaminsan midnimada iyo wadajirka somaliyeed.



Wadhaf News



Magaalada Marka oo ay isbaarooyin soo dhigteen ciidamo qaab Qabiil ku socda



Tuesday, 13 November 2012 12:31
Written by Axmed


Ciidamo ka tirsan dowlada Somalia oo qaab qabiil ku socda ayaa isbaarooyin soo dhigtay qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Marko ee gobolka Sh/hoose.







Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in isbaarooyinkaas cusub ay bilaabeen iney gaadiidka xamuulka iyo kuwa rakaabkaba ka qaadaan lacago kala duwan, iyagoo isticmaalaya boonooyin ay soo sameysteen.



Gudoomiyaha magaalada Marka Axmed Macalin Cabdi (Cukaash) ayaa cambaareeyey isbaarooyinka la soo dhigay magaalada Marka qeybo ka mid ah, isagoo sheegay in maamulku uusan waxba ka ogeyn, kuna baaqayo in si deg deg ah loo qaado.



“Maamulka gobolka iyo kan degmada kama war qabaan isbaarooyinkaas lacagaha looga qaadayo gaadiidka ee saaka Marko la soo dhigay, waxaa ka dambeeya arintaas taliye urur ka tirsan ciidamada milateriga oo magacisa la yiraahdo Liibaan” ayuu intaa ku daray gudoomiyaha



Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa gudoomiyaha magaalada Marka waxaa uu sheegay in isbaarooyinkan ay ka dambeeyeen rag siyaasiyiin ah oo uu xusay iney awood qabiil sheeganayaan wuxuuna madaxda sare ee dowlada ugu baaqay iney arintan wax ka qabtaan haddii kale ay shacabka magaaladaas sameyn doonaan kacdoon ay kula dagaalamayaan ciidamada isbaarooyinka soo dhigtay.





















Udublandnews.com.





Comments



0 #4 Maxamed 2012-11-16 03:29

Asc wa Max'ed Muqtar Max'ed oo jogo JAMAAME cadey, war Cukaash Mamulkisa wu jira wana taager sanahay lkn kan Gobolka wax jiro ma ahan wayo ninkas xun ee Garraha ah waxa u magacabey Jagadaas H.gidir oo uu dabo dhilif u ahaa. Tan kale Cukaash muxu la calaa calayaa mu dhaho Bimalow iska celiye caloshod u shaqeys tayaalka Qabiil u dhul balaarinaya ileen dalku dowlad kama jirtee wa sual an jwbteda ka sugeyno Cukaash--- tan kale degmo iyo tuulo ka mid ah G/Sh/Hose wa inan madax ka noqonaa mana ahan inan kaliya MARKO kuso arurno wayo inama deqdo hadi ay ina deqdana berri ka maalin wa inalaku so gelaya marka Shalambod laso dhaafo-- tan kale nin kasta kamid ah BIIMAAL hadu xil ino qabto yanan mucaaridin wayo taa aya ah wadada kali an ku gaari karno gacan ku heynta Dhulkena gebigiis aniga Cukaash ku laf ma ihi wana taager sanahay wayo wa walalkey wuxuna 100% ii dhaamaa Indha Cadde--- tan kale Biimaal hala hadlo kuwa dowlad ku shega u matalo hana kala hadlen dowladu sababta Garre Gobolka madax loga dhigey kuwa qurba jogtana haka hadlen warbaa hinada Somaliyed. Mahad sanidin.....

Quote





0 #3 Saeed 2012-11-14 23:20

Talo Ku Socoto dhamaan dhalinyarada Biyomaal ee ku nool qurbaha ,,,waa inaan ku labaaa wadankii oo aan dadkeena cawinaa oo aynu madax ka noqonaa ,,magalooyinka oo dhan ,,dhulkeenka waa dhul barwaqo ah ,,lakiin hada dadkale ayaan mamuulo.Waa Inaan madax ka noqonaa dakada Mgalada Marko ,,,Airporka magalada lanbar 50 iyo kan ceel ahmed,,magaalda shalanbood ,,magalada marko ,,magalada ceeel waregoow,,,buul o,,janaale,,,ja mmale ilaa iyo kismaayo...waa iaan wadankii aad oo dadkeena u fa ideeynaa,,manta nin walbo wadankiisa ayuu ku labtaa dadkiisa ayuu wax u qabtaa

Quote





0 #2 Biimaal Boy 2012-11-14 12:06

Maasha'allaah waa nin culus Cukaash, waa nin u daacad ah dadkiisa iyo dowladisaba, cabsi ay naga qabaan Tuugada habar gidir waxey nagu tilmaameem inaa nahay shabaab

Quote





+1 #1 dagaal 2012-11-13 15:04

gudoomiye cukaashe waad mahadsantahay , gudoomiye nin aan gadoodin oo aan gumaysi diidin gunnimo kama baxee maanta ayaan fursad haysanaa ee ina gali dagaalka aan ku garab galee ilaahay idinkiis guusha inagaa u dambeeyne

Quote



Refresh comments list

Taarikhda Beesha Biimaal Maxamed Xiniftire Mahe Dir





SILSILADDA TAARIIKHDA BIIMAAL (Qeebta 2aad)


Thursday, 05 July 2012 11:55
Written by Axmed


10 Oct 1993 Filonardi iyo sxbadii oo Markab ay wateen ka raacay magaalada Marka (kadib markii odayaashii heshiis la saxiixdeen) ayaa waxaa weerar ku qaaday Biimaal, ka dibna waxaa laga dhaawacay hal nin.







Talyaaniga oo arintaas aad ugu xanaaqasan waxey magaalada Marka u duqeeyeen si aan naxariis laheyn, waxeyna maxaabiis ahaan u kaxeysteen ilaa 15 odey oo magac weyn lahaa.



Ficilkaas xooga leh ee Marka Talyaanigu u isticmaalay wuxuu Talyaanigu usuurto geliyay in meelo badan oo ay ka mid ahaayen Eritrea,Cadan,Zanzibaar iyo Muqdisho laga aqoonsado awoodiisa lagana baqo.



Nov. 1893 sidoo kale waxaa socday dagaal u dhaxeeyay beesha Wacdaan iyo Talyaaniga, markii dagaalka Wacdaan iyo Talyaaniga dhacay, Biimaal waxey Xireen suuqii Marka si ay taageero ugu muujiyaan beesha Wacdaan isla markaasna ay u gooyaan isgaarsiinta Muqdisho iyo Marka. kadibna Biimaalkii waqooyiga Marka deganaa waxey xiriir fiican la yeesheen hogaamiyaasha Wacdaanka.



Arintaas waxey Talyaaniga ku qasabtay inuu qabsado magaalo xeebeedka Jasiira ee ku taala waqooyiga magaalada Marka,



Isla mudadaas waxaa la dilay maamulhii Talyaaniga ee magaalada Marka Mr Giacomo Trevis oo uu dilay nin dhalin yaro ah oo udhashay beesha Biimaal, lana oran jiray Cumar Xasan Yusuf, sida la sheegay Cumar wuxuu kasoo baxay Masjid la oran jiray Shekh Cusmaan, kadibna wuxuu arkay Giacomo oo xeebta Marka lugeynaya halkaas ayuu tooreey(middi) la dhacay.



Talyaaniga markii in muddo ah uu baaray sawabta loo dilay Giacomo iyo cidii ka dambeysay, wuxuu aad uu ugu shakiyay dhoowr reer aw Ashraaf ahaa Culumana u badnaa in ay arintaas ku lug lahaayeen, kadibna wuu xir-xiray.



Nimankaas la xiray waxaa ka mid ahaa qaadi magac weyn lahaa oo la oranjiray Shariif Cusmaan.



Ragaas Culumad ah oo markii dambe oo loo gudbiyay xaruntii Talyaanigu ku lahaa Xamar, markii dambe waa la waaayay halkii ay ku dambeeyeen (Geeri iyo Nololba), nimankaas oo laga ogaa afduubkoda xeebaha Banaadir oo dhan waxaa la sheegay Markii dambe in Zanzibaar loogu Maahmaahi jiray (qofkii xabsiga Banaadir gala meeydkiisa un baa kasoo baxa) taas oo ay ola jeedeen Culumada Ashraafta ah oo la waayay halka ay ku dambeeyeen.



Kadibna maamulihii cusbaa oo Giacomo lagu bedelay wuxuu isku dayay in uu odayaasha Biimaal kala qeybiyo wuxuuna mushaar laaluush ah uu qoray (120 Thalers sanadkii), odey magac weyn lahaa oo la oran jiray Xaaji Cali Ciise, hase ahaatee ninkaas kuma guuleysan arintaas waayo Xaaji Cali Ciise waa ka diiday laaluushkaas.





Lasoco Qeebta 3aad





W/Q



Maxamed Shekh Xasan



Axmed Nuur



Udublandnews.com.









Somali Gaal Xambaarsan Gumeyste ah Sawir



October 17, 2005 - 13:20


Axmed Maxamed Qaybe - Xoreyntii Somaliland iyo israacii Somalia







Qaran News, 17 Oct. 2005=



“SI AANAY TAARIIKHDU U LUMIN"



Sida ummadaha kale u qoraan taariikhdooda Somalidu uma badna inay taariikhdeeda qorto sababta oo ah far aynu wax ku qorno oo aan jirin ka hor 1972-kii, oo Dawladii waqtigaas jirtay ay go’aamisey in aynu qaadano xuruufta Latinka. Waxaa la inoo yiqiinay amaba aynu ahayn “oral society”. Xuruuftaas Latinka waxaynu kaga kaaftoonay luqadihii shisheeyaha ahaa ee maamulka xafiisyada iyo saxaafadda loo isticmaali jiray. Hase yeeshee , ma jiraan, hadday jiraana way yaryihiin, qoraallo taariikhiya oo fartaas loo adeegsaday.



Qoraalkaygan koobani wuxuu ku saabsan yahay xorayntii Somaliland iyo is-raacii Somalia ee 1960-kii.



Anigu magaalada Cadan, Koonfurta Yaman ayaan ku dhashay. Waqtigaas waxay ahayd mustacmarad Ingriis. Malcaamad Quran iyo dugsiyaba halkaas ayaan ka galay, ka dibna dhawr sannadood ayaan shorthand typist ugu shaqeeyey Taliskii Sare ee Ciidamadii Cirka ee Boqortooyada Ingriiska. (Royal Air Force Command, Aden).



-kii Xukuumaddii Ingriiska ee Somaliland ayaan codsi shaqo-siin ah u soo qortay, waanay iga oggolaatay. 18-kii June 1954-kii, ayaan madaarka Hargeysa ka soo degay. Magaalada Hargeysi aad bay waqtigaas u koobnayd, una qurux badnayd. Waxay ahayd meel cimiladeedu wanaagsan tahay aan boodh iyo qashin toona lahayn, oo dhulka intiisa aanay daaro ka dhisnayn cagaar ahayd , dhirta waaweynina ku badnayd - A picturesque town. Mujtamac is- wadayaqaana, isna jecel oo kan maanta aad uga yar, ayaa ku noolaa. Bulshadii waqtigaas Hargeysa joogtay wax yar baa ka sii qiiqaya.



Waxaan shaqo ka bilaabay Xafiiskii Maamulka Degmada Hargeysa (District Office) amaba xafiiska D.C.ga, siday Somalidu u tiqiiney. Waxaa laygu magacaabay District Clerk oo derejo sare waqtigaas ahayd. Muddadii aan xafiiskaas hayey dhacdooyin badan ayaa i soo maray, waxaase xusuus gaar ah igu reebay laba arrin:



Heshiisiintii Xukuumaddii Ingriiska ee Somaliland iyo Suldan Cabdillahi Suldan Diiriye (Suldankii Beesha Cidagale - Alle ha u naxriistee). Arrintii murugada lahayd ee Haud iyo Reserved Areas Dawladda Ingriisku ku wareejisey Dawlada Ethiopia, 1955-kii.



Suldan Cabdillahi Suldan Diiriye



Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Toni Scawin oo waqtigaas ahaa D.C.gii Hargeysa xafiiskaygii iigu yimid isagoo warqad sir ah gacanta ku sita. Warqaddii ayuu ii dhiibay. Wuxuu talo iga weydiiyay arrintii warqadaas ku qornayd sida wax looga qaban karo. Warqadda waxa soo direy Chief Secretary Shirley oo maalmahaas hawlgab Somaliland uga bixitimayey, waxaanay ku saabsanayd Suldan Cabdillahi Suldan Diiriye. Wuxuu Shirley warqadiisa ku soo qoray isaga iyo Suldan Cabdillahi inay colloobeen, taas daradeedna uu Suldanku Xukuumadda Somaliland kaga maqan yahay. Maadaama Shirley dalka ka tegayey, wuxuu soo jeediyey Suldanka in lagu dayo bal inuu oggolaado inuu Xukuumadda la heshiiyo.



Waqtigaas ay Xukuumadda is-hayeen, Suldaan Cabdillahi wuxuu noogu yimid Magaalada Cadan oo berigaas ahayd mustacmarad Ingriis. Waxaanu ku dejiney Naadigi Somalilda ee Cadanweyn (Crater) oo aan anigu madax ka ahaa. Isbarasho wanaagsan ayaa Suldanka na dhexmartay, taasoo ay sii xoojisey qaraabanimo aanu isku aqoonsanay. (Ayeydey Hooyo ayaa ka soo jeeday Beesha Suldanka). Scawin waxaan u sheegay in Suldan Cabdillahi xidhiidh fiicani naga dhexeeyey oo anigu aan ula tagi doona arrintii Shirley soo jeediyay. Maalintaas galabnimadeedii Dooxa Hargeysa ayaan dhinaca Koonfur uga tallaabay, anigoo ku socda gurigii Suldanku degganaa. Qolkiisii fadhiga markaan galay, Suldanka waxaa ku hareeraysnaa odayaal dhowr ah. Farxad ayuu igu soo dhoweeyey inkastoo dareen galay. Meel gooni ah ayaanu labadayada oo keli ahi fadhiisanay. Arrintii aan u socdey ayaan u sheegay. Cabbaar ayuu aamusay isagoo fekeraya. Wuxuu igu yidhi Ingriis waa I xumeeyey. Sidaas oy tahay odayaasha Reerka ayaan talo ugu noqonayaa ee laba beri ka dib igu soo noqo. Sidaas ayaan D.C Scawin ku wargeliyay.



Ku noqoshadaydii Suldanku wuxuu ii sheegay in aanu waxba ka qabin inuu la heshiiyo Xukuumaddii Somaliland iyo tan Walayaa-ba, hadday ballan qaadayaan inay u soo celiyaan dhul balladhan oy Militariga Somaliland (Somaliland Socuts) ka dagganaayeen. Waxaan ugu jawaabay ballan ayaan D.C. Scawin kaaga soo qabanayaa ee kala hadal arrintii dhulka laga haystey, waanu aqbalay. Shardi fudud ayuu ku xidhay oo ah in aan anigu ka turjubaano, isagoo kalsooni darro ka muujinayey turjubaanadii Xafiiska D.C.ga joogey.



Kulankii Suldan Cabdillahi iyo D.C Scawin ayaa dhowr maalmood ka dib qabsoomay. Dhulkuu Suldanku codsaday in loo celiyo markii laga wada hadalay, D.C. Scawin wuxuu ballan qaadey inuu Xukuumada gaadhsiiyo, wuxuuse ku adkaystay go’aanka kama dambaysta ahi inuu ku xidhan yahay Wasiir-al-Mustacmaraadkii Ingriiska ee fadhigiisu ahaa London, caasimadda Ingriiska. Wuxuu kaloo uu Suldanka u sheegay in mushaharkiisii dhowrkii sannadood ay Xukuumadda is-hayeen xisaab gaar ah loogu shubay, markuu doonana uu qaadan karayo.



Heshiiskaas ka dib, markuu Suldanku la kulmayo Saraakiishii Ingriiska ee Xafiiska D.C ga, wuxuu ku adkayasan jirey in aan anigu ka turjubaano. Calankii Buluuglaha ahaa ee Somalia



Bishii October, 1954-kii horraanteedii ayaa Suldan Cabdillahi oo cadho ka muuqato noogu yimid Xafiiskii D.C.ga. Wuxuu D.C Scawin u sheegay in 12kii October, 1954-kii calankii bulugulaha ahaa ee Somalia la saari doono daartii Xisbiga S.Y.L ee Hargeysa. Wuxuu intaas ku daray inay dad had-hadlayaan oo leeyihiin lama saari karo. Haddii munaasabadaas nalagu soo farogeliyo, wixii ka yimaadda masuul kama noqon doonno, ayuu yidhi. (Suldan Cabdillahi waxa lagu eedeyn jirey inuu ahaa taageere Xisbigii S.Y.L. ee gobanimo-doonka ahaa, taasoo ka mid ahayd arrimihii ay Xukuumaddii Somaliland isku maandhaafeen).



Si kastaba ha ahaatee, D.C. Scawin maalin ka dib ayuu shir u qabtay odayaashii magaalada Hargeysa. Wuxuu u sheegay in aanay Xukuumaddii Ingriisku jeclayn Xisbigii S.Y.L oo lagu xaman jirey Shuuci, balse ay xaq u leeyihiin inay daartooda saaraan calanka ay doonaan. Wuxuu ka digey in lagu faro galiyo.



Haud iyo Reserved Areas



-tii January, 1955-kii, ayey Dawladda Ingriisku magaalada London kaga dhawaaqday war murugo leh, kuna saabsanaa Heshiis (Agreement) ay bishii November, 1954-kii la gashay Dawladda Ethiopia, kuna wareejinayso Haud iyo Reserved Areas, laga bilaabo 28kii February, 1955-kii. Dawladda Ingriisku waxay Heshiiskaasi u cuskatay Mucahado labada Dawladood (Ingriiska iyo Ethiopia) dhexmaratay dabayaaqadii Qarnigii 19-naad (1897kii).



Huad iyo Reserved Areas, oo ay deggan yihiin beelaha Somaliland iyo beelaha Ogaden qaar ka mid ah, siiba Reer Isaq, Dawladda Ingriiska ayaa gacanta ku haysay, ka dib markii Dawladda Talyaaniga dib looga qabsaday dalka Ethiopia 1941-kii. Sida la wada og yahay Xukuumaddii Talyaaniga ee Mussolini ayaa Ethiopia ku duushay 1935kii oo ka qabsatay Boqor Xayle Sallassie. (Boqorku dalka Ingriiska ayuu ku noola muddadii shanta sanadood ahayd ee Talaynigu Ethiopia Isticmaarsanayey).



Dhawaaqii lama filaanka ahaa ee ka soo yeedhay Dawladda Ingriiska amankaag iyo jaah-wareer ayuu ku ridey shacbiga Somaliland. Mudaharaad balaadhan ayaa laga abaabulay dalka oo dhan. Rag iyo Haween, yar iyo weyn, weer cad ayaa madaxa lagu wada xidhay. Madaxdii Dalka oo dhami Hargeysa ayey isugu timid. Waxaa la go’aansaday in la asaaso Jabhad Mujtamaca Somaliland mideysa, kana hortagta masiibadii dalka la soo deristey, waxaana Jabhadaas lagu magacaabay National United Front (N.U.F).



Qaranigii 19aad dabayaqadiisii (1884-86), Dawladda Ingriisku waxay Qabaa’ilka Somaliland la gashay Heshiisyo (Agreements), ay ku ballan qaadayso in ay ilaaliso iyaga iyo degaanadoodaba. Shacbiga Somaliland waxay Dawladda Ingriiska ku eedeeyeen inay Heshiisyadaas ku ballan-furtay. Waxa la go’aamiyey in Dawladda Ingriiska loo diro wafdi ka codsada in ay ballan-furkaas ka noqoto.



Wafdigaasu wuxuu ka koobnaa Michael Mariano; Dube Cali Yare; Suldan Cabdillahi Suldan Diiriye (Suldankii Beesha Cidagale) iyo Suldan Cabdiraxmaan Suldan Diiriye (Suldankii Beesha Sacad Muse), giddigood Alla ha u naxariistee. Wafdigaasu markuu London gaadhay, waxaa lagu dejiyey Hudheel caan ah oo ku yaalla Magaalada badhtankeeda, laguna magacaabo Cumberland Hotel. Wafdigii Looyerro Ingriis ah ayuu qabsaday. Dood ba’an oo cirka isku shareertay ayaa arrintii wafdigu la socdey ka aloosantay Aqalka Hoose (House of Commons) ee Baarlamaanka Ingriiska. Doodaasi waxay u dhacday sida lifaaqa ku qoran oo aan ka soo minguuriyey HANSARD. Hadal iyo murti, fara madhan ayuu wafdigii kala soo noqday London. (arrintan Huad iyo Reserved Areas ku saabsan uga ma jeedo in aan fidmo hurudda kaakiciyo, ee taariikh ahaan ayaan qoraalkan ugu soo qaatay). Mar labaad waxaa la go’aansaday inuu wafdigu u safro magaalada New York, si arrinta loo horgeeyo Qaramada Midoobey. ( Waxaa wafdigaas ku biiray Suldan Bixi Foley, Ogaden, Reer Isaag). Hase yeeshee, Qaramada Midoobayna waa lagu soo hungoobay.



Somaalidu waxay tidhaahdaa waxaad shar moodid oo khayr kuu noqdaa jira. Dhirbaaxadaas ku dhacday shacbiga Somaliland way baraarujisay oo hurddadii ayaa laga toosay. Dhaqdhaqaaqii gobanimo-doonka ahaa ayaa xoogeystey. Il iyo baal la isuma keenin ilaa laga gaadhyey xornimo (Independence) 26-kii June 1960-kii



Dawladda Hoose ee Berbera



Bilhii hore ee 1956-kii ayaa la ii beddelay Dawladda Hoose ee Berbera halkaas oo aan ka noqoday Sarkaalka Fulinta (Excutive Officer). Xubnaha Golaha Deegaanka ee Berbera waxaa ka mid ahaa, Alla ha u naxariistee, Maxamed Xaji Ibrahim Cigal. Isbarasho wanaagsan iyo walaaltinimo ayaa na dhexmartey. Maxamed wuxuu waqtigaas ahaa nin dhalinyaro ah oo aannu isku gedo ahayn, oo qayrkii ka dhex muuqday, aqoontiisuna heer sare ahayd. Aad buu kutubta u akhrisan jirey, siiba kuwa ay qoreen faylasuufiyiintii Reer Galbeedku. Nasiib wanaag dhowr jeer oo dambe ayaanu Maxmed Xaaji Ibraahim Cigal wada shaqaynay.



Deeq Waxbarasho



Intii aan joogey Dawladda Hoose ee Berbera ayaan warqad iigu bushaaraynaysa deeq waxbarasho oo Carriga Ingriiska ah ka helay Xukuumadii Somaliland. Aad baan ugu farxay. Bishii September 1956-kii ayaanu Hargeysa ka dhoofnay aniga iyo Cismaan Axmed Xassan (Cisman Indhoole) oo deeqdaas wax-barasho ila wadaagay. London ayaanu dhowr maalmood ku hakanay, ka dibna waxaanu u gudubnay magaalada Edinburgh, caasimada Scotland. Waxaanu ku biirnay Jaamacadda Edinburgh, qaybteeda maamulka dawladaha hoose laga barto.



Edinburgh waxaa nooga sii horreeyey Cali Sheikh Ibrahim (Cali Qaadi) oo isla Jamacadaas cilmiga dhakhatnimada ka baranayey. Guri (apartment) ayaan saddexdayadii wada kiraysanay si aanu isugu biil gaabsano. Sida hilaaca ayuu nagu dhaafay sannadkii aanu Edinburgh joognay . Ka dib aniga iyo Cisman Axmed ayaa u wareegney Jaamacadda qadiimka ah ee Oxford. Laba sannadood ayaanu Jaamacadaas ka baranayney Public and Social Administration. 1959-kii dabayaqadiisii ayaanu Hargeysa ku soo noqonay. Cismaan Axmed waxaa lagu magaacay D.C.ga Sanaag, aniguna waxaan la wareegay shaqadii Xoghayaha Golihii Shacabka ee Somaliland. Waxaan kaloo Xoghaye u noqday guddidii dallacaadda iyo wax-barashada dibadeed. (Promotion and Training Board). January 1960-kii,ayaan London ku noqday si aan Xeer-hoosaadka Baarlamaanka Ingriiska (Parliamentary Procdure) u soo barto, ugana faad’ideeyo Golahii Shacabka ee Somaliland. Dhowrkii bilood aan ku maqnaa Baarlamaanka Ingriiska , Somaliland waxaa ka qabsoontay doorasho loo tartamay Golihii Shacabka, waxaana ku guuleystey Xisbigii S.N.L/ U.S.P. Ka dib Motion ayaa la hor dhigay Golihii cusbaa kaasoo ku saabsanaa israaca Somaliland iyo Somalia. Motionkaasu aqlabiyad balaadhan ayuu ku gudbey. Wafdi sideed (8) xildhibaan ka kooban oo Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal hogaaminayo ayaa Muqdisho loo diray, si midnimada labada dal looga soo wada hadlo Xukuumadii Cabdillahi Ciise Maxamuud (Alle ha Naxriistee). Waxaa lagu soo heshiiyey in 1-dii July, 1960-kii lagu midoobo Dawlad ay caasimadeedu Muqdisho tahay (one country, one government, one flag).



30-kii April, 1960-kii, wafdi uu hoggaaminayo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigal, oo ka kooban isaga iyo saddex Wasiir (Cali Garad Jamac, Axmed Xaji Ducale iyo Xaji Ibrahim Nuur) ayaa London noogu yimid. Wafdigu wuxuu u socday inuu Dawladda Ingriiska ka codsado madaxbanaanida Somaliland ka hor 1-dii Julay, 1960-kii si taariikhdaas Somaliland ay ula midowdo Somalia. 5-tii May 1960-kii, ayaa shir laba geesood ah lagu qabtay Xafiiskii Wasiirkii Mustacmaraadka, Mr Ian MacLoed, ee Ingriiska waxaana lagu heshiiyey madax-banaanida Somaliland (Independence) laga bilaabo 26-kii june 1960-kii.



Somaliland iyo Ethiopia



-kii May, 1960-kii Maxamed Xaji Ibraahim Cigal iyo saddexdiisii Wasiir ayaa u ambabaxay Addis Abeba, caasimadda Ethiopia. Ujeedada safarkaasu waxay ahayd Boqor Xayle Salassie in laga codsado soo celinta Huad iyo Reserved Areas. Boqorku Qasrigiisii ayuu wafdigii ku qaabiley. Dhinaca midigtiisa waxaa fadhiyay Prime Ministerkii Ethiopia Ato Aklilo Hapte Walde , iyo dhowr Wasiir uu ka mid ahaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha uu Boqorku soddog u ahaa. Dhinaca bidixdana waxaa fadhiyey Wasiiraddii Somaliland iyo anigoo Xoghayn ahaan ula socday. Labada geesood dhexdooda waxaa turjubaan ahaan u fadhiyey oo Boqorka ka soo horjeeday, Cabdiraxmaan Sayid Maxamed Cabdille Xasan (Wasiir-ku-Xigeenkii Arrimaha Gudaha ee Ethiopia).



Soo dhewyntii Boqorku wafdiga soo dhoweeyey ka dib, waxaa hadalkii qaatay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigal, waxaanu hadalkiisii ku furay ammaan ballaadhan uu Boqorka ammaanay, wuxuuna isla markaas Boqorka ka codsaday inuu indho naxariis leh ku eego baahida ay qabaa’ilka Somaliland u qabaan Haud iyo Reserved Areas. Saddexdii Wasiir ee kalena hadalkii bay iska daba qaateen iyagoo codkooda ku biirinaya hadalladii Cigal. Dhinaca Ethiopia waxa u hadlay Boqorka oo keliya. Wuxuu yidhi Somalidu waa qowmiyad Ethiopia ka mid ah, laakiin uu Isticmaarku duufsaday. Boqorku wuxuu xusay oo halyeeyo Ethiopian ah ku sheegay Sayid Maxamed Cabdille Hasan, Cumar Samatar iyo Xaaji Faarax Khaled oo isagu galabtaas shirka fadhiyay, oo markuu Boqorku isgalana la xanaaqayay markuu Boqorku dhoosha bidhana farxad muujinayey, isaga oo Boqorka istusayey !!!. Wuxuu boqorku intaas raaciyay Haud iyo Reserved Areas idinka iyo xoolihiinuba waa ku noolaan kartaan, oo hashiinu ilaa Addis-abeba ayay daaqi kartaa, waase dal Ethiopia ka mid ah, gorgortana kama furna.



Boqorku Wuxuu ka hadlay Eritrea oo ay Dawladda Talyaanigu isticmaarsan jirtay, balse Ethiopia la midowday 1952-kii. Wuxuu ku dheeraaday mashaariicdii uu ka fuliyey isagoo farta ku fiiqaya khaaridad Eritrea oo gidaarka Xafiiskiisa sudhnayd. Isagoo hadalkiisa sii wata, Boqorku wuxuu soo jeediyey in marka hore Somaliland iyo Ethiopia ay midoobaan, dabadeedna ay Somalia wada raadiyaan, (taasoo uu ku sheegay ‘Our Province of Banadir’). Wasiiradii Somaliland hadalkoodii hore ayey ku celiyeen. Halkaas markii la marayey ayuu Boqorku soo jeediyey in biririf la qaato, la iskuna soo noqdo. Hase yeeshee biririftii ka dib,waxaa naloo sheegay in uu wada - hadalkii dhammaday oo hudheelkii aanu degganayn ayaa nalagu celiyey.



Subaxdii dambe wargeyska “The Ethiopian Herald” ayaa daabacay war kooban oo sheegaya Boqorka oo qaabiley afar masuul iyo karaanigoodii (Four officials and their clerk) oo Somaliland ka socday. Warkaas kooban waxaa ku ag daabacanaa arji dheer oo loo nisbeeyey odayaal Ogaden ah, kuwaas oo Boqorka ka codsaday inuu dadkooda iyo dalkoodaba ka badbaadiyo nimanka hororka ah ee Somaliland ka soo duuley! Waxay ahayd arrin laga sii shaqeeyey ka hor intii aanu wafdiga Somaliland Addis Abeba gaadhin, waayo, maalintii aanu Addis Ababa gaadhney waxay odayaashii Ogaden noo soo direen Maxamed Saalax Yacniile oo waqtigaas ka shaqaynayey The State Bank of Ethiopia (Alle ha u naxariistee) oo noo soo sheegay odayaashaas in Addis Ababa khasab lagu keenay si ay u daadifeeyaan arrintii wafdiga Somaliland la socday.



Intii aanu Addis Abeba diyaarad ku sugaynay, Mudane Cigal waxaa soo booqday Safiirkii dalka Sudan ee waqtigaas Addis Abeba joogay oo magaciisu ahaa Jamal Maxamed Axmed. Wuxuu u sheegay war uu ka helay ilo uga qaateen ah (siduu yidhi ) oo odhanaya inay Ethiopia isu diyaarinaysey weerar ay Somaliland ku qabsato marka Ingriisku ka baxo. Soo noqodkaygii Hargeysa ayuu Mudane Cigal warbixin sir ah oo arrintaas naxdinta leh ku saabsan u qoray Xukuumaddii Ingriiska, iyana London ayey u sii gudbisey. Dawladda Ingriisku waxay ku soo jawaabtay inay arrintaas biciidaysanaysey isla markaana aanay aqbali doonin raadkii ay kaga baxday Somaliland oo sii qoyan inay Ethiopia ku soo duusho. Si kastaba ha ahaatee warkaasu isma soo tarin.



Somaliland Iyo Somalia



-tii June, 1960-kii, wafdi ka kooban Mudane Maxamed Ibraahim Cigal iyo Cali Garad Jamac (iyo anigoo Xoghayn ahaan ula socdey) ayaa u amba-baxnay Muqdisho. Wafdiga socdaalkiisu wuxuu ku saabsanaa Xukuumaddii Mudane Cabdillahi Ciise in lala soo dhammaystiro Axdigii Is-raaca (Act of Union) ee labada dal. Shirar ay qaateen S.N.L/U.S.P. intii aanu Wafdigu amba-bixin, waxaa lagu go’aamiyey inaan wax shuruud ah lagu xidhin midaynta Somaliland iyo Somalia. Taas daradeed, Axdigii lagu diyaariyey Muqdisho oo ku salaysnaa heshiiskii Muqdisho lagu gaadhay bishii April, 1960-kii (fiiri kor) ayey labada dhinac qalinka ku duugeen.



Dabbaaldegyadii Xornimada



-kii June 1960-kii ayaa Calankii Ingriiska la soo rogey waxaana la saaray Calankii buluuglaha ahaa ee Somalia. Dabbaal-dagaas qaaliga ah waxaa lagu qabtay barxaddii loo yiqiin 26 june (oo haatan Masaajid laga dhisey). Hogol ayaa galabtaas ku da’day madashii xafladda, laakiin dadkii halkaas joogey oo aad khushuucsanaa ismay dhaqaajin. Munaasibadaas waxa lagu xusuustaa GABAYGII jidhidhicada lahaa ee KANNA SIIB,KANA SAAROO ee Marxuum Timacadde (Alla ha u naxariistee) madashaas ka tiriyey isagoo kor ugu luuqaynaya. Dalka oo dhan ayaa laga dabbaal degey maalintaas.



Wafdi uu hoggaaminayo Adan Cabdalla Cisman (oo markaas ahaa Guddoomiyihii Golihii Shacabka ee Somalia) ayaa munaasabadaas faraxadda leh ka soo qayb galay. Wafdigaas waxaa ka mid ahaa Mudane Maxamed Sheikh Gabyow oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Dastuurka ee Somalia. Habeenkii 26/27-kii June ayaa shir laba geesood ah lagu qabtay Qasrigii Dawladda ee Hargeysa. Md. Gabyow wuxuu noo sheegay Axdigii lagu kala saxeexday Muqdisho laba ama sadex qodob oo ka mid ahaa in dib loo eego. Illaa labadii aroornimo ayuu shirkaasu socdey, waana la isku mari waayey. Subaxdii 27-kii June, 1960-kii, ayaa wafdigii Mudane Adan Cabdalle Cismaan Muqdisho ku laabtay. Isla galabtii maalintaas ayaa Mudane Cabdullahi Ciise taar u soo diray Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigal isagoo ku wargelinaya inay lagama maarmaan tahay qodobaddii la isku khilaafsanaa in laga heshiiyo ka hor inta aanay labada dal midoobin. Md. Cabdillahi Ciise wuxuu soo jeediyey guddi laba geesood ah in loo saaro qodobadaas si xal loogu helo.



-kii June 1960-kii ayuu Mudane Cigal shir deg deg ah u qabtay Golihii Shacabka ee Somaliland si looga doodo taarkii uu soo diray Md. Cabdillahi Ciise. Dareen Xoog leh ayaa saameeyey jawigii Golaha. Intay doodu socotey ayaa warkii magalaada gaadhay. Hargeysa oo dhan ayaa ku soo jabtay madashii Goodirka oo shirku ka socdey, iyadoo lagu dhawaaqayo yaan loo joojinin Cabdullahi Ciise ee Axdiga Israaca deg deg ha loo gudbiyo. Shirkii markuu dhammaaday jawaab saddex qodob ka kooban ayuu Mudane Cigal u direy Mudane Cabdallahi Ciise: (1) Axdigii Israaca (Act of Union) Golihii Shacabka ee Somaliland wuu Tasdiiqiyey (2) Qodobadda la isku khilaafsan yahay israaca labada dal ka dib ayaa guddi isku dhafan loo saari karaa. (3) 30/6/60 ayey Xubnihii Golihii Shacabka iyo Xukuumadda Somaliland Muqdisho ku soo beegan yihiin ee haloo diyaar garoobo.



Qodobada la isku khilaafsanaa ma xusuusan karo oo muddo dheer baa wakhtigaas laga joogaa, laakiin muhiimad taariikhi ah ma laha maadaama aan waxba laga soo qaadin oo ay waxba kama jiraan noqdeen.



Qoritaanka taariikhdii Dawladdii Somalia ee soddon jirka ahayd (1960-1991) wuxuu u baahan yahay daraasad (research) qoto dheer si loo sugo dhacdooyinkii ummada Somaaliyeed muddadaas soo maray. Haddii Ilaahay igu simo, oo aan dhaqaale iyo waqti u helo, qoritaanka taariikhdaas damaceedu igama madhna.



WA BILLAAHI TAWOFIIQ



(Axmed Maxamed Adan - Qaybe)



Qoraalkan waxa Qarannews, soo gaadhsiiyay oo ugu deeqay Mudane Axmed Maxamed Adan - Qaybe)

Blog Archive