Saturday, May 21, 2011

SOMALI BOORON WAAQLE WORSHIP



Qoraal hore oo aan u bixiyey “Wanaagsane Afkaygoow, Waaqbaan Baryaayaa, Weydnimo ka Dheeroow” oo aan kaga hadlay wadeecada uu ku sugan yahay af-Soomaaligu ayaa akhristeyaasha qaarkood fal-celin si toos ah iiga soo direen. Waxay qaarkood wax iga weydiiyeen: Kumuu ahaa Waaq? Ma sanan buu ahaa? Iyo weydiinno la mid ah. Haddaba qoraalkan waxaan isku deyayaa inaan ku iftiimiyo arrinkan.

Ka hor intaan diinta Islaamku soo gaadhin carriga Soomaaliyeed, waxa la sheegaa inay dadyowgii ku noolaa carrigani ku dhaqmi jireen, xilli xilliyada ka mid ah, diin lagu magacaabi jiray “Diintii Waaq”. Erayga Waaq waxa lagu tarjumaa Eebbahii cirka iyo uunka oo idil (si la mid ah: Rabi’l caalamiin). Waaq waa jire iyo jooge ay caabudi jireen dadyowga ku ab-tirsada sawraca Kush (Cushitic) oo ay ka mid yihiin Oromoda, Saho, Canfarta iyo Soomaalidu. Oromada iyo Soomaaliduba waxay u yaqaaniin Waaq inuu yahay lehaha (ka iska leh) iyo joogteeyaha arlada oo idil (Bartles, 1983, Lewis, 1955 1956), waxa kale oo ay rumeysanaayeen inuu yahay uumaha (abuuraha) iyo maamulaha uunka oo idil, lehna waxa ku sugan cirka (samooyinka) iyo dhulka(1) , isla markaana qaabka uu wax u uumay yahay mid dhammeystiran, maamulidda abuurtiisana si joogto ah ula socda oo aysan wahsi, lulmo iyo hurdona ka jeedinin(2). Sidoo kale, waxay rumeysnaayeen in Waaqyahay ili-ma-qabatay una qaabeysnayn wax dhisaalan oo joog iyo muuq leh (sida sanam oo kale).


Arrimahaas kor ku xusan oo idil, waxa cad in diintii Waaq ay ahayd mid sugeysa kelinimada Eebbee (at-tawxiid). Waxaanay aad uga duwan tahay diimaha kale ee lagu tilmaamo inay bilow yihiin (primitive religions ama bidaai’) ee ka jira meelo badan oo arlada siiba Afrika – diimahaas oo ku dhisan aragti falsafadeed oo ah in noole iyo ma-nooleba ay arwaaxi ku jiraan (animism). Haddaba, qaadashada fudud ama sida degdegga ah ee ay Soomaalidu u qaadatay diinta Islaamka, waxa lala xidhiidhin karaa runta ah in ay Islaamnimada uga horreysay diinta Waaq oo iyana ku dhisnayd kelinimada Eebbe (Sarree oo Korreeye), taasoo u fududeysay inay si dhib yar ula jaan qaadaan(3).

Waxa ilaa maanta af-Soomaaliga laga dhex heli karaa erayo toos loola xidhiidhin karo eraygan “Waaq”, sida: Gar-waaqsi oo muujinaysa in ay gari tahay ta Eebbe, Eebbena (ama Waaq) yahay ka keliya ee wax simi kara ama garsoor sugan sameyn kara, Ceel waaq(4), Caabud Waaq(5), waaq la’(6), weligay iyo waaqay(7), Waqal(8), barwaaqo(9) oo tilmaam cad ka bixinaysa deegaan badhaadhe ah oo ka dhashay roob wacan. Sidoo kale, bal u dhug yeelo magacyadan qabiilooyinkan: Dardaar Waaq oo badanaa loo bixin jiray ilmaha ugu dambeeya ee nin iyo ooridii, waxaana looga jeedaa ‘nimcada Eebbe kii ugu dambeeyey’, Gacal waaq (kii Eebbe jeclaa), Jid Waaq(10), Tagaal Waaq(11), Sidoo kalena erayga Waaq waxa laga dhex heli karaa hees-hawleedka dumarku ku heesaan markay cawska sameynayaan ama dareerinayaan:

Cawskanow sabool diidow,
Waaq aan suuqa lagu dhigin oo(12)
Soddon lagugu baayicin oo
Yaa sameeyey lagu odhon ee

Waxa iyana mudan in la is dul taago erayga “waqooyi” oo aan ahayn oo keliya meel-u-jeesad (jiho) bal se lagu tilmaamo dhulka waqooyiga Soomaaliya/Somaliland oo ay ku jiraan gobollada Bari, siiba dhulka buuraleyda ah. Magacan waxa lala xidhiidhin karaa magacyada faca weyn ee ah “Arladii Bunt iyo Araladii ilaahyada” (The Land of Punt and The Land of Gods)(13) oo tilmaam ka bixinaaya in waqooyiga Soomaaliya ahaan jiray dhul barakeysan oo ay xitaa ku dhaadan jireen Masaaridii hore.

Isla meel ka mid ah dhulka buuraleyda Somaliland waxa jira dhowr meelood oo magacyadaas iyo wax u eeg xambaarsan sida: Waaq-eel oo ah goob ku taalla Buurta Gacan Libaax, Waaqderiya oo iyana ku taal xeebta gobolka Sanaag Bari, oo ka sii foororta buuraleyda hodonka ku ah xabkaha beeyada iyo meydiga, kuwasoo (xabkahaas) horreyso iyo haatanba leh adeegsi diineed.

Meelaha qaarkood carriga Soomaaliyeed, ku dhaqanka diintii Waaq waa ay soo dhowaatay ilaa qarnigii hore (20aad) bilowgiisii. I. M. Lewis oo xiganaaya Cerulli waxa uu xusay in Waaq laga caabudi jiray meelo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed, siiba Gobolka Gedo, waxana weliba intaas u dheerayd caadada ah in ay qabaa’ilka qaarkood xididka dhiigga ee xaw-xawlaha ah ee cunaha dhinaciisa ku yaal (xablal wariid am jugular vein) ka mudi jireen lo’da isla markaana ay cabbi jireen dhiigga ama caanaha ku darsan jireen sida Masayga reer Kenya(14).

Haddaba, in kastoo ay jirto in diintii Waaq aan hadda lagaga dhaqmin carriga Soomaaliyeed, haddana waxa jira dhaqammo iyo caadooyin hadhaadi ah oo weli ka fuqi la’ bulshada Soomaaliyeed oo uu ugu door roon yahay saar-ku.

Guntii iyo gebogebadii, waxa ay culimada taariikhda diimaha wax ka qoraa rumeysan yihiin in Waaq aanu ahayn sanam, balse uu Eebbaha (Allaha) aynu caabudno la wadaago sifooyinka kor ku xusan sida kelinimada, uumidda uunka oo idil, maamulidda iyo ka warheynta abuurtiisa ama uunkiisa, inuu yahay ili ma qabatay aan u dhisaaleysnayn sida sanam oo kale iwm. Waxa kale oo halkan ka muuqan karta in magaca Waaq uu ka habboon yahay adeegsiga erayga ay Masiixiyiintu adeegsadaan ee ah “God” oo marmarka qaarkood la dheddigeyn karo sida “Goddess”. Waaq se waa ka geddisan yahay sidaas awgeed aanay dhibaato ku jirayn adeegsigeeda, si la mid ah erayga “Eebbe” oo kale.

Ahmed Abdi “Dalmar”
dalamarnow@hotmail.com

(1) Waxaad barbar dhigtaa aayadda Qur’aanka Kariimka ah (Eebbe waa la-caabudaha Samada iyo la-caabudaha arlada) Suurat-ul-Zukhruf: 84.

(2) Barbar dhig aayadda Qur’aanka Kariimka ah (Waa uumaha uunka maamula (Qayuum), ma qabato lulmo iyo hurdo (midna), wuxuuna iska leh yahay waxa ku sugan cirarka (samooyinka) iyo arlada). Suurat-ul-Baqara: 255

(3) Mohamed Diriye Abdullahi, Culture and Customs of Somalia (2008), Greenwood Press

(4)Waa magaalo ku taal dhulka Waqooyi Bari ee Kiiniya

(5) Waa magaalo ku taal koonfurta Soomaaliya

(6) Waa meel cidlo ah oo aaney joogin cid ama wax naftu wehelshato, oo colaad ama abaar looga dhaqaajiyey. Si kale haddii loo dhigo, dadyowgii hore ee Waaqa u hoggaansami jiray waxa ay ku tilmaami jireen meesha “waaq la’da ah” meel “ay ka maqan tahay naxariistii Waaq”.

(7) “Weligay iyo Waaqey”, ereyadan waxa loo adeegsadan jiray dhaarta. Waxaana beddelay “Wallaahi, Billaahi, Tallaahi”. Waxa se loo adeegsadaa marka laga hadlaayo arrin ugub ah, oo qofka dhahayaa ay la yaab ku tahay ama ugu horreysay. Sida: Weligay iyo waaqey isha maan saarin saan-caddaale ama nin caddaan ah.

(8) Waxa loogu yeedhaa fad (daruur) xambaarsan roob culus

(9) Barwaaqo waxay tilmaameysaa “dhibcihii Waaq”. Carruurta Soomaaliyeed waxa la baraa inayan farta ku fiigin daruuraha roobka xambaarsan, iyadoo la rumeysan yahay in ay keento ayaan-darro dhalisa in daruurtu kala yaacdo.

(10) Waa qabiilo Daarood ah oo deggan Herer barigeeda (carriga Itoobiya)

(11) Taqal-waaq, Dardaar-waaq iyo Jid-waaq waa saddex reer oo Daarood ah oo la siman qabiilka Ogaadeen, waxana u degaan ah Jigjiga iyo Diri-dhaba dhexdooda. Jid-waaq waxa ka farcama Abaskuul iyo Bartire.

(12) Eeg buugga “Saints and Somalis – Popular Islam in Clan-based Society”, ee uu qoray I. M. Lewis, The Red Sea Press, Inc, Asmara, Eritrea 136-137

(13)

(14) I. M. Lewis, Peoples of the Horn of Africa – Somali, Afar and Saho, 1955, London, International African Institute.



somali clans with wag in their name

jidwaaq
barwaaq
takalwaaq
siiwaaqroon
habartiwaaq
WarWaaq,
NaxariisWaaq
Waaqmahadle,
BiddeWaaq
WaaqJire, CiqWaaq
DiintiWaaq
DoorWaaq
alWaaq, Waaqdoor

THe proto-Cushitic word for God is Waaq and even many things in the Somali language alludes to the shared

used of waaq as the denomination of God.

Examples:

barWAAQo = living in plentiful and content (Signify as something of god's doing)

garWAAQsan = to be convinced of something (cannotation implies testimony to the conviction of God)

WAAQdhaaco = sacrificial slaughtering (slaughter for the purpose of God)

caWAAQib = what happens to you (fate which is in the hand of God)

ku dhaWAAQ = announce or proclaim something (religious conotation implies proclaiming belief in God)

WAAQsasho = to get something lost back (testifying God's intervention in helping you recover)

Waaq in Arabic وا 02; means protector!

One of God's many's attributes is being a protector

Allah (swt) has 99 names, some of which include the attribute of being a protector and Waaq is one of the oldest

arabic words for protector وا 02;

Caabud-waaq = worship of the protector

Ceel-waaq = the well of the protector

Jid-waaq = the path of the protector

Takal-waaq = tireless protector

Cabud Waaq. Ceel Waaq(El Wak)

jidwaaq
barwaaq
takalwaaq
siiwaaqroon
habartiwaaq
WarWaaq,
NaxariisWaaq
Waaqmahadle,
BiddeWaaq
WaaqJire, CiqWaaq
DiintiWaaq
DoorWaaq
alWaaq, Waaqdoor

want to know if Somalis worshipped waaq? And if you had to be galla to be a waaq worshipper?
Somalis, Oromos, and Afars and Boronas all worshiped the sky god of the heavens and the Earth before the arrival of the Abrahamic religions. Waaq is still celebrated among the Cushitic people maybe in subtle ways. Such as when Somalis say "Barwaaqo!which is a saying for goodness and celebration and happeniness. Literally it means "The Blessed Rain of Waaq" other things that have to do with Waaq are: Jidwaaq (A sub clan of Darod) and Cabud Waaq (Servent of Waaq) and Ceel Waaq (Well of Waaq), Dhaqan Waaq (Culture of Religion of Waaq). Waaq today is nonmous with Allah, he has many names like Eebe (Universal Father).

DIR SHEIKH

Don't listen these idiots who doesn't know even Islam. Jesus christ! Waaq is one of the names of Allah and it is in the Qoran. And yes, it is Oromo origin. There are many Oromo words in the Holly like" Waaq" and "Qazwara", both of the are in the holly Qoran== "

1. "Wamaa lakum minaLaahi min Waaq"=
2. "Farat min Qazwara"

The claim That "Waaq" was a pagan religion and pagan God is simply Not True Since in history We know That Waaq Means Simply The "protecter" and is used in the quran alot of times. Like in this Verse.“And thus have We sent it down to be a judgement of authority in Arabic. Were you to follow their desires after the knowledge which has come to you then you will not have any Wali [protector] or Waaq [defender] against Allah”Waaq is the pre-Arabic or pre-Islamic Somali word for God All-Mighty. So Cabud-Waaq (Abudwaaq) or Cabdiwaaq (Abdiwaaq) is the Somali version of Abdullah or Abdullahi. But some Somalis say it was the sky god of Somalis before Islam and this sky god was converted to Allah, but I believe Allah and Waq/Waaq are synonymus becuase God is many things in the Somali language: God, Elah, Ebbe, Rabbi, Allah, and Waaq.
DIR SHEIKH


THe proto-Cushitic word for God is Waaq and even many things in the Somali language alludes to the shared used of waaq as the denomination of God.

Examples:

barWAAQo = living in plentiful and content (Signify as something of god's doing)

garWAAQsan = to be convinced of something (cannotation implies testimony to the conviction of God)

WAAQdhaaco = sacrificial slaughtering (slaughter for the purpose of God)

caWAAQib = what happens to you (fate which is in the hand of God)

ku dhaWAAQ = announce or proclaim something (religious conotation implies proclaiming belief in God)

WAAQsasho = to get something lost back (testifying God's intervention in helping you recover)

Waaq in Arabic وا 02; means protector!

One of God's many's attributes is being a protector

Allah (swt) has 99 names, some of which include the attribute of being a protector and Waaq is one of the oldest

arabic words for protector وا 02;

Caabud-waaq = worship of the protector

Ceel-waaq = the well of the protector
Before the advent of Islam among the Somalis and Oromos in the Horn of Africa. You have a Supreme deity being worshiped who was all powerful and knowing. His name was and is Waaq, he extensively worshiped by almost all Cushites before the advent of the Abrahamic religions. Waaq was the God that was all knowing and among the Somalis no idols were worshiped beside him, Somalis also already believed "Wadaado" of the other world of which we refer today as Jinni an Arabic term. Other then the almighty Waaq and the Wadaado who possessed other people at times, the Somalis also believed in the Ayaanle the Ayaanle are referred with an argument as angels or prophets, but in pre-Islamic Somalia the Ayaanle were intermediaries between the humans and Waaq. So how come a monotheistic religion was already existing among the Cushites in ancient Somalia.

The only mentioned African prophet was a man who was said from Ethiopia mentioned in the Qur'an was an Abyssinian named "Luqman" who lived in Kush or Nubia this was before Jesus Christ and Prophet Mohammed (SAW). Surprisingly many Somali words that are dedicated to Waaq are: Ceel Waaq, Cabud Waaq, Cabdul-Waaq (before Cabdullahi), Barwaaqo, the saying "waligay iyo waaqay ma maqlin...", etc.

Somalis also had a strange assumption of the universe and the cause of natural disasters along with that. They believed: The equillibrium of the Universe in Somali mythology was tied with the love between a Bull and a Cow. The Universe was said to balance itself on the horns of a bull, a beast forever staring at the cow tied to a pole in front of him. Whenever his love turned her eyes away from the Bull, it would result in a physical shift that caused natural disasters on Earth. Religious temples dating from antiquity known as Taalo were the centers where important ceremonies were held led by a Qallu Priest.

The Word God in Somali has many names with different origins: Elah (Arabic and Aramaic for God), Eebe (Cushitic sometimes synonymous with Waaq), Waaq (Cushitic name for God sometimes called Eebe-Waaq or Eebe Wayne, Elah-Waaq), Allah (The Arabic and Islamic name for God), etc. Another story of the Somali mythology it is said that Mythology was tied with the Love (Gacal ) and between the beloved (Gacalo) or the sky Bull and the Cow. Religious temples were also called Xeero where Somalis worshiped Waaq, Xeer is also the name of the traditional peaceful Somali law. It is mentioned that around the time of 10,00 yrs and 9000 yrs ago a lot of religions around such as in ancient Mycenae (beginning of ancient Greece) and ancient Persia and even in Egypt had a fixation on bulls and cows. Historians and astrologers say that this was the Age of Taurus were Bull worship and respect and even sacrifice to a greater God was known.


Major Deities



Eebe


Eebe is the Somali word for God and was synonymously used for the ancient Cushitic Sky God Waaq. According to Somali Legend Eebe lived in the Heavens and whenever the Somalis successfully prayed for rain it was known as Bar-waaqo (God's rain)

Ayaanle The Ayaanle in Ancient Somalia were known as the good spirits or Angels and acted as mediators between God Eebe ) and Humans. They were said to be bringers of luck and Blessings from Eebe in somali what they call today is Ayaanlayaal

Huur Huur or Xuur was the messenger of Death and had the form of a large bird. The deity was akin to Waaq of and played a similar role in the ancient Somali society.

Nidar
Nidar was the righter of wrong. He was considered the champion of those that were exploited by their fellow humans. The deity has survived in modern Somalia as a popular saying; Nidar Ba Ku Heli ("Nidar will find and Punish you")


Xuur by the way was the Somali version of Horus and like in ancient Egypt was represented by a bird a hawk or a falcon sometimes a crow. Surprisingly the Somalis also believed in an afterlife, but this afterlife was quite different then todays Islam. Eebe it was said that he will judge you as the ultimate judge and if one commits evil he will be in heaven, and if one commits evil he is punished by Nidar who was the punisher of the evil ones and the righter of wrong.


The ancient Somali Devil was called Nidir and if someone was found evil and punished by Nidar and Judged by Eebe he would be possessed and live with the Nidir the Evil One. The ancient Cushitic names for the Somali Devil was:

1) Nidir = The Devil in Ancient Somali

2) Sharwad-de

3) Shaanbiye

4) Shuqube

6) Shar-moo'de

7) Gura-c

The Names/Attributes for God was:

2) Bare

3) Barbaariye

4) Samaan-doone

5) Sharma-arke

6) Bar-waaqe
Azania


he ancient Somali Devil was called Nidir and if someone was found evil and punished by Nidar and Judged by Eebe he would be possessed and live with the Nidir the Evil One. The ancient Cushitic names for the Somali Devil was:
1) Nidir = The Devil in Ancient Somali
2) Sharwad-de
3) Shaanbiye
4) Shuqube
6) Shar-moo'de
7) Gura-c
The Names/Attributes for God was:
2) Bare
3) Barbaariye
4) Samaan-doone
5) Sharma-arke
6) Bar-waaqe


I heard father of Ayaan Xirsi (xirsi magan) tried to translate prayer (alsalat) and Aadaan into Somali, just changing Aadaan alahu akbar, alahu akbar into "Waaq baa weyn... Waaq baa weyn. Changing ashahadu an laa ilaaha ilalaah...ashadu an laa ilaaha ilalaah into "waxan qiraya in ilaah xaq lagu caabudo uusan jirin ila alle mooyaane" and as he finished with everything, he was asked what to translate at the end of prayer "Asalaamu caleykum waraxma tulah, asalamu caleykum waraxmatulah" after ataxyad is finished, he translated asalamu caleykum waraxmatulah and asalamucalaykum waraxmatulah into "waar bal iska warama.... Waar bal iskawarama turning ur face to right and second time to left saying waar bal iska warama instead of asalamucaleykum waraxmatulah in arabic, he said.



('' Somalidii hore intii aysan Diinta Islamka soo gaarin, waxa ay Illahey u yaqaneen magacyo kala du'duwan sida:

Waaqle
Guule
Weyne
Uume

Hal magac oo guud oo ahaa Waaqle ayaa si aad caan uga ahaa geeska afrika oo ay isticmaali jireen ummada Somaliyeed iyo ummadah kale ee Oromada iyo Cafarta, magacaasina wuxuu ahaa Waaqle.

Oromada Itoobiya dagta waxaa ay u yaqaaneen Ilaahey Waaq, sida Somalidii horena waxaa ay rumeysnayeen in uu Waaqle samada xageeda jiro.

Dadkan Kushitiga ah waxaa ay rumeysnayeen in Waaqle uu mid yahay, uuna isagu kaliya dunida abuuray, kaligiina dunida xukumo.

Waxaa ay xoola dhaqatadii hore ee Oromada iyo Somalida sidaan sheegnay rumeysnayeen in waxa walba oo dhaca uu Waaqle awoodisa ku dhacan isaga kaliyana la weydiisto wax alaala wixii ruuxu u bahan yahay.

Wali dadka Somaliyeed manta waxaa laga helaa kalmado fara badan oo Waaqle loo adeegsado sida magaca Illahey. Tusaale ahaan Waxa uu noo Soo Gudbiyay nin Direed oo loo yaqaano Warsame Awad Liskaan dheer oo tilmaaamaya sidii ay Somalidii hore u istacmali jireen :

Qabiilo fara badan ayaa jira oo magacoodu ku jiro magacan Waaqle:

Gacal Waaq (Dir Gurgure)- Kuwii Illahey Jeclaa.

Siwaaq Roon (Daarood)- Waa kuwii sida Illahey jecelaa ama u roonaa.

Jidwaaq (Daarood)- Kuwii jidka Illahey raacsanaa iyo Tagalwaaq.

Waaqle (Ajuuraan)- Kuwii Illahey lahaa.

Sinjiwaaq (Dir)

Abdul-Waaq- adoonkii Illahey

Magaaloyin Somaliyee ayaa jira oo lagu magacaabo Ceel-Waaq iyo Cabud Waaq


Dhanka kale Somalidu waxa ay Istacmaalaan kalamado fara Badan oo tilmamaya in ay Illahey u aqoon jireen Waaqle oo ay ka mid yihiin:

GarWaaqso- Garta Alle garo ama wixii xaq ah garo oo qaado.

Waligaa iyo Waaqa- oo ah kalmad ay macnaheedu tahay Waligaa iyo Allahaa.

Dhanka kale marka ay Somalidu tiraahdo meeshu waa meel Barwaaqo ah waa meel macnaheedu uu Illahey ku mineystay roob ama Bartii- Waaqle roobka dhigay.

Waxaa kale oo uu sheegay Mudane Warsame, in ay Somalidu u istacmaali jireen kalmada Waaqle siyaabo kale oo ay ka mid yihiin:

Waqal daruureed- Roob weyn
Waaqooyi- Jiihada danka waqooyi oo xitaa ay Booranta aan muslimka aheyn rumeysan yihiin in ay Qibla oo kale u tahay.


Qoraaga Weyn ee loo yaqaan Cerrullie oo ahaa talyaani ayaa sheegay in gobalada dhex 1930 kii ay dadku ku dhaaran jireen "Waa igu Caq Waaq". Halka waqooyiga Somaliyana ay reer waqooyigu ku dhaaran jireen "Waa igu tin niixi, waa igu tin waaq" oo ilaa hada aan macnaheeda la aqoon. '')


Isku jecel gar iyo waaq = loves equally Justice and God (and also here garwaaq is also a modern word in itself which means "to be convinced". Notice the two words of Justice and God together mean being convinced.



Hoh! iyo caku iyo hiif ninkii,hawkar galay baa leh.
Halaaka iyo laandeyr ninkii, marin habaabaa leh
Hinji iyo habaar waaq ninkii, huray astaadkaa leh

http://www.golkhatumo.com/hanfi.htm

Hinji iyo habaar waaq ninkii, huray astaadkaa leh = The teacher owns the one who incurs the shake and curse of God



From the Qur'an, as used in cannotation with religious evocation.

Image

“And thus have We sent it down to be a judgement of authority in Arabic. Were you to follow their desires after the knowledge which has come to you then you will not have any Wali [protector] or Waaq [defender] against Allah”



And as being the root of many Somali words that have religious signifance/cannotation

barWAAQo = living in plentiful and content (Signify as something of god's doing)

garWAAQsan = to be convinced of something (cannotation implies testimony to the conviction of God), also is related to the dispensing of justice

WAAQdhaaco = sacrificial slaughtering (slaughter for the purpose of God)

caWAAQib = what happens to you (fate which is in the hand of God)

ku dhaWAAQ = announce or proclaim something (religious conotation implies proclaiming belief in God)

WAAQsasho = to get something lost back (testifying God's intervention in helping you recover)

In Somali place names:

Caabud-waaq = worship of the protector

Ceel-waaq = the well of the protector

Jid-waaq = the path of the protector

Takal-waaq = tireless protector

Conclusion; there is nothing Oromo of origin of Waaq, Oromos are just among one of many Cushitic communities who used it and the cannotation is similarly used in other Afro-asiatic languages like Arabic which is Semitic. It is just Somalis have lost the usage of it because they are completely Muslim adopting the traditional "Allah" while only a 1/3 of Oromos are Muslim so the orignal usage of Waaq for God has been kept alive by the rest who are not.

Jid-waaq = the path of the protector

Takal-waaq = tireless protector

The Myth of Waaq: Waaq was a powerful celestial being he lived in the sky, where he originated from. He was the Father of the universe and the creator of everything. He created the first man and woman Adan and Hawwo, and then the human population grew.

However Waaq wanted to choose a certain people as his chosen people, they were the earliest ancestors of what we know today as: Afars, Somalis, Oromos, etc. They were in misery, they had no culture, language or religion so he took pity on them. Waaq descended down from his abode to Earth to teach his chosen people everything. The religion was known as: Diinti-Waaq, the Culture was known as: Dhaqankii Waaq, and the Laws were called: Gartiga Waaq: the Wisdom of Waaq.

Waaq demanded that his people worship him and that they must tribute and they also most importantly name themselves after him. So the Darod were called: Siwaaq Roon, Jidwaaq, Dagalwaaq, etc. And the Waaqle/Waaqtiire (Hawiye, Ajuuran), Sinjiwaaq (Dir), Gacalwaaq (Dir Gurgure), etc. Waaq after he established everything and taught the early Cushite about life, he left and descended to his celestial abode, promising to return to his children in their time. "

Another Somali tradition says that their was a path or a celestial road between Waaq and his chosen people, but after all the evil things that people committed Cushites have lost their connection with the heavenly God.

The strange is thing that the story of Waaq resembles that of many ancient cultures, especially the MesoAmerican ones: Quetzalcoatl who came from the East a white, tall, bearded man who brought civilization to the Aztecs, Olmecs, and Mayans and after that he left promising to return on a certain date. Another funny thing is that Waaq descended from the sky to teach the Cushites.

It is the same with Quetzalcoatl who also descended from the sky to teach man. Many pre-Buddhist religions in Asia talk about how their gods descended from the sky on fire breathing dragons. The Inca god Viracocha which is an Incan version of the Mexican god Quetzalcoatl, also says that he was a foreigner who was white descended from the sky on a fiery serpent.

The same thing is mentioned in Sumerian texts who say that the Annunaki descend from the heaven and created the "Adamu" or people. It is surprising that world cultures have the origin of the first man or people:

Sanskrit: Adima and Heva
English: Adam and Eve
Sumerian: Adamu
Spanish: Ad`an and Eva
Arabic: Adam and Hawwah
Somali: Aden and Xaawo
Hebrew: Adam and Khevah

Extra-terrestrial enthusiasts that the early gods of mankind and the angels of the bible are extra-terrestrial beings. Waaq might have been an extra-terrestrial being?

6 comments:

Anonymous said...

-Foorculus
2.2 SADDEXDA ODAY FOOR CULUS ________________________________
1. Maxamed Foorculus ( Hilibi)
2. Eybakar Foorculus ( Habar ceyno )
3. Axmad Foorculus ( Daguuro)
Ilma Eybakar Foorculus
Habar Ceeno
Waaq
Mahadle Waaq
Macaan
Maxamad Waaq
Sharey
Yebedhaalo
Ogoliye Waaq
Cindif
Yirid
Tashiil Waaq
Celi Iyo Cirbo yar
Celi
Tolweyne Celi

Unknown said...

siinjiwaaq

Mahadwaaq

Waaqatinle

Gacal waa

Waa Dir clans or Dir clans with waako Waaqle names

Unknown said...

l Belive Ebbe Waaq the true

Unknown said...

l Belive Ebbe Waaq the true

Unknown said...

back to the true religion of Ebbe Waaq

Anonymous said...

We can call Allaha=Waaq

Blog Archive