Monday, May 16, 2011

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo soo dhisay Xukuumad aad uga tiro yar Xukuumadihii soo maray Dowladda Federaalka Soomaaliya Jimco, January 04, 2008

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo soo dhisay Xukuumad aad uga tiro yar Xukuumadihii soo maray Dowladda Federaalka Soomaaliya
Jimco, January 04, 2008

Xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa waxaa ku jira xubno aan ku jirin Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo loo magacaabay xilal muhiim ah, iyadoo dhinaca kalena aysan soo gelin xubno ka muuqan jiray Xukuumadihii horay u soo maray Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) iyo Wasiir ku xigeenkii Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle.
Ilaa seddex Wasaaradood ayuusan ku dhawaaqin Ra’iisal Wasaaraha, kuwaasi oo loo qaatay in magacaabistooda ay u baahan tahay la-tashiyo dheeraad ah, waxaana wasaaradaha harsan ka mid ah Caafimaadka, Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Bii'ada.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa wuxuu horay u soo magacaabay Xukuumad ka koobneyd 73 Wasiir, taasi oo ay Beesha Caalamka si weyn u dhaliishay tiro badnideeda iyo tayo la’aanteeda, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay Xukuumaddaas xubnaheeda u badnaayeen Xukuumaddii hore ee uu Guddoomiyaha ka ahaa Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi.

WASIIRRADA
1- Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow = Ra’isu wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Garsoorka =Digil Jiiddo

2-Xildhibaan Caydiid C/llahi Ilka Xanaf = Ra’isu wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Waxbarasahada iyo hiddaha =Dir/Isaaq/Habar Yoonis.

3-Axmed C/salaan Xaaji Aadan = Ra’isu wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Warfaafinta, Arrimaha dhalinyarada iyo Isboortiga=Hawiye/Habargedir Ceyr

4-Muxiyidiin Max’ed Xaaji Ibraahim =Wasiirka Gaashaandhiga=Dir/Biimaal

5-Xidhibaan Xuseen Ceelabe Faahiye =Wasiirka Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska =Dir/Gada biirsi.

6-Max’ed Cali Xaamud = Wasiirka Maaliyada iyo Qorshaynta

7-Xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade =Wasiirka Gaadiidka, Duulimaadka iyo Dekadaha Mirifle/Leysaan.

8-Xildhibaan Muuse Nuur Amiin = Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka =Hawiye/Gaaljecel Barsane

9-Xildhibaan Cali Axmed Jaamac Jengeli =Wasiirka Arrimaha Debada iyo Iskaashiga Caalamiga =Daarood Dhulbahante

10-Max’ed Cali Saalax Kaange = Wasiirka Macdanta iyo Tamarta =Daarood Warsangeli.

11-Xildhibaan Mustaf Sh. Cali Dhuxulow=Hawiye/Murasade =Wasiirka Beeraha, Biyaha iyo Horumarinta,

12-Nuur Iidow Beyle = Wasiirka Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Kaabiyaasha = Hawiye/Xawaadle Cali Madaxweyne.

13-C/risaaq Ashkir Cabdi = Wasiirka Dib u heshiisiinta, Horumarinta Gobollada iyo Arrimaha Federalka= Daarood/Mariixan.

14-Xildhibaan Cabdi Max’ed Tarrax=Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta =Daarood/Ogaadeen

15-Xildhibaan Khadiijo Max’ed Diiriye =Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Beesha Shannaad/Yaxar.

WASIIR KU XIGEENADA

1-Xildhibaan C/kariin Axmed Cali =Wasaarada Arrimaha Debada iyo Iskaashiga Caalamiga =Hawiye/Baada Cadde.

2-Xildhibaan Carab Cali Diiriye = Wasiirka Dib u heshiisiinta, hormarinta Gobolada iyo Arrimaha Federalka Dir/Isaaq/ Habar Jeclo.

3-Xildhibaan Cali Muumin Ismaaciil = Wasiirka Maaliyada iyo Qorshaynta =Daarood/Leelkase.

4-Xildhibaan Fahma Axmed Nuur = Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Beesha Shannaad/Reer Xamar.

5-Xildhibaan C/kaafi Macalin Xasan= Wasiirka Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Kaabiyaasha =Digil/ Garre.



Golaha Guurtida Beelaha Dirta Koonfureed loo doortay Prof. C/llaahi maxmed Caddoow (Food cadde), Guddoomiye ku xigeenka 1-aad waxaa loo dooraty Xuseen Geeddi Jimcaale, Xasan Geeddi Rooble ayaa isna loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Guurtida Dirta Koonfureed, halka Xoghayaha Guudna loo doortay Mudane bashiir Isaaq Cabdulle.

No comments:

Blog Archive