Monday, May 16, 2011

HALGANKII BIMAAL DIR IYO AKISHO IYO WIIL WAAL

Beelaha Dir waxaa hayaankan uga qayb qaatay reerka Biyamaal oo sida sheekooyinka lagu hayo ka soo guuray gobollada waqooyi bartamihii qarnigii 18-aad. Waxaa la tilmaamaa in ay sababtu ahayd gar-colaadeed oo lagu heshiisiinayay iyaga iyo beesha Gadubiirsay oo uu dagaal xumi dhex maray. Gartaas oo ay galeen odeyaal u dhashay beelaha Isaaq iyo Ciise ayaa Biyamaalku waxay ka tirsadeen in laga eexday. Markaas baa reerihii Biyamaal waxay guddoonsadeen talo uu xargihii reerku u dhamaa oo ahayd in ay degaanka isaga guuraan. Adeerow inkasta oo waddadii ay Biyamaalku soo raaceen aanan sheekooyinka lagu xusin, misana waxaa la hubaa in hayaankoodii ay ku soo fureen koonfurta webiga Shabeele, halkaas oo illaa maanta ay degan yihiin. Xilligaas waxaa ay degaanka ugu yimaadeen beesha Gelledi oo lahayd maamul siyaasadeed oo hanaqaad ahaa. Labada Beelood (Gelledi iyo Biyamaal) dagaalo badan ayaa dhex maray, kuwaas oo ay Biyamaalku ku dileen saddex suldaan oo Gelledi ahaa oo is dhalay (suldaa! ! n Maxamuud, suldaan Yuusuf iyo suldaan Axmad). Socdaalkii Biyamaal intaas kuma hakan ee qaybo beesha kamid ah ayaa koonfur u sii kacay oo gobolka Jubada-Hoose ku hakaday. Qolyihii koonfurta aaday ayaa dhexdoodii colaadi ka aloosantay. Dabadeed jifi kamid ahayd baa waxay u tallaabeen bulshooyinka Baantuuga ah ee ku dhaqan gobolka waqooyi-bari iyo bariga dalka Keenya halkaas oo ay ku milmeen dadyowgii ay u tageen. Adeerow xus oo beelo kamid ah reeraha la yiraahdo Reendiille ee ku nool yuulada Mkunuumbi oo ka tirsan degmada Laamo waxaa la rumaysan yahay in ay yihiin dadyowgii kuushiitiga ahaa ee ku noolaa koonfurta Banaadir. Sheeko-dhaqameedyada reeraha Biyamaal waxaa ku xusan in qayb kamid ah reeraha Reendiille ay yihiin dad iyaga ka tegey oo absaxankooda la garanayo. Dadkaasi waxay ku tageen dagaal ay jifiyadii Biyamaal isugu tageen. Magaca reerka tegey waa Kalafoow, absaxankooduna wuxuu gelayaa Sacad oo ah jifi Biyamaal kamid ah.
Dhaqdhaqaaqii ganacsatada reer Cumaan wuxuu raad ku yeeshay qaybo kamid ah gobollada Soomaaliya. Saldanaddii beesha Gelledi ayaa xilligii ay is-beddelayeen labadii qarni, kii 18-aad iyo kii 19-aad, waxay yeelatay maamul hanaqaaday. Saldanaddaas oo xarunteedu ahayd degmada Afgooye ayaa waxay xiriir la lahayd maamulkii ka jiray magaalada Xamar. Xilligii suldaan Yuusuf oo qiyaastii ku beegan 1812-kii - 1845-kii ayaa saldanaddu xoogowday. Waxaa ballaartay dhulka uu ku baahay ganacsigii saldanadda. Dekadda Xamar ayaa waxaa laga dhoofin jiray dalayga ka soo go´a beeraha reerka Gelledi iyo xubnaha dugaagga. Reerku waxay dekadda kala soo degi jireen waxyaabaha ay dibadda uga baahnaayeen oo dharku uu kamid ahaa. Waxaa kale oo ay soo dhoofsan jireen dadka addoomada ah, kuwaas oo beeraha ka shaqayn jiray. Adeerow waxaa xusan, sanadihii u dhexeeyay 1820-kii iyo 1840-kii, dekadaha Xamar iyo Marka in sanad walba lagala soo degi jiray dad gaaraya 10.000 oo addoomo ah.
Adeer ! wakhti ku dhow xilliga ay Biyamaalku hayaameen ayaa galbeedka Soomaaliya waxaa iyaguna ka soo kacay beelo kamid ah reeraha Kablalax (Ogaadeen). Beelahaas waxaa kamid ahaa , Maqaabil, Cawlyahan, jifiyo kamid ah reerka Maxamd Subayr iyo Caabud-waaq oo kamid ah jifiyada Talamuge. Geediga reerkan wuxuu soo maray gobolka Bay. Sida ay isku raaceen da´wayntii sheekooyinkan laga wariyay, muddo sanado ah ayay halkaas ku sugnaayeen. Dabadeed waxay u soo tallaabeen degaanka Jilib, halkaas oo ay ka samaysteen saldhig ay ka sahan sadaan degaanka.
Waxaa jira sheekooyin tilmaamaya in beelaha soomaaliyeed ay si wadajir ah ula dirireen dadkii Baantuuga ahaa ee ku noolaa degaanka Juba, arrintaasi waxay xoojinaysaa aragtida oranaysa in beelaha soo hayaamay ay isugu yimaadeen degaanka Jilib oo markaas ahayd degaan Tunni. Oday la yiraahdo Xasan Ribadle oo Ogaadeen ah, kana mid ah facihii dambe ee ka qayb qaatay hayaankii ay beeshu ku degtay dhulka Juba ayaa wuxuu tilmaamay sababta uu u qaxay in ay ahayd colaadaha reerka dhexdiisa ka socday. Xasna ayaa muddo laga joogo 150 sano wuxuu tiriyay tix gabay oo uu ku tilmaamayo sababta uu u qaxay, wuxuuna yiri :
Jiilaalkan ruuga ah waxaan Raari uga guuray
Oon ramashe doogoobay iyo roob la sugi waayay
Reer Caraale uun baan ka tegi ruun colowgiisa
Warankay ridahayaan ayuu ruuxda iga goyne
Ama towbaday iga raddiyi oo raq baan dhigiye

Bilowgii qarnigii 19-aad, Garaad Wiil-waal ayaa isaguna wuxuu ku guulaystay in uu ururiyo beelo kala duwan oo ku maamulo xeer-dhaqameedyo uu isagu dejiyay. Taasina waxaa ay ka dambaysay markii uu helay kalsoonidii beeshiisa (Bartire) oo ay caleemo saarteen, markaas oo adeerow uu u caddaalad falay. Garaad Wiil-waal wuxuu ahaa nin geesinimo iyo af-tahannimo loo hibeeyay. Xeerarka uu ku dhaqmo wuxuu dadka ku bari jiray qaab suugaaneed. Tilmaamahaas uu Wiil-waal lahaa ayaa waxay kallifeen in degaankiisii ay ku soo qaxaan beelo dhowr ah oo ku qancay maamulkii uu dhisay. Waxaa kamid ahaa Abasguul, Geri iyo Ogaadeen. Wiil-waal wuxuu dhisay xulufo ciidameed iyo mid siyaasadeed oo ay ku bahoobeen beelahaas. Adeerow kalsoonidii dhex martay Wiil-waal iyo odeyadii beelahaas ayaa waxay adkaysay maamulkii ay isku xulufaysteen. Tix uu Wiil-waal u tiriyay garaadkii beesha Geri oo la oran jiray Garaad Aadan, mar uu uga soo dacwooday beeshii oo ku gadoodday ayuu Wiil-waal ku tilmaamay xiriir! ! ka ka dhexeeya isaga iyo Garaad Aadan. Wiil-waal wuxuu yiri :
Haddaad dowladda waydo anna teydu weydowdey.
Haddii lowgu ku wiiqmo anna waan wakkinaayaa.
Haddaad weer isku jiiddo anna waan isku waabi.

Ciidamadii beelihii is-xulufaystay oo uu hor kacayo Wiil-waal ayaa waxay duulaan ku qaadeen ceelashii reerka Akishe (Dir), halkaas oo lagu dhibi jirey xoolaha ay lahaayeen beelaha aanu soo xusnay. Gulufyadii colaadeed ee uu Wiil-waal dumay waxay sabab u noqdeen in ay guud ahaan beelihii soomaaliyeed ay ku faafaan dhulka biyaha badan ee ku beegan agagaarka degmada Jigjiga, halkaas oo ay ka kacsadeen beelo Oromo ah.



Beelo kamid ah reerka Mareexaan ayaa iyaguna ku soo hayaamay degaanka Gedo, iyo koonfurta gobollada Baali iyo Siidaamo. Xilligaas, qiyaastii 50 sano ayuu ka dambeeyay markii uu bilowday hirarkii hayaanka. Waxaa jiray beelo Mareexaan ah oo safka hore kaga jiray qaxan, waxaana kamid ahaa Howraarsame, Habar-Yaaquub, reer Xasan iyo Talxe. Sheekooyinkii laga dhaxlay da´wayntii hore waxaa ku xusan in beelahaasi ay geel badan wateen. Beelahan waxay ka soo qaxeen meelo kamid ah bartamaha Soomaaliya, waxayna soo mareen gobollada Hiiraan iyo Bakool. Sababta ay la qaxeen waxay ahayd colaado isugu jira kuwo ka aloosmay beesha gudaheeda iyo kuwo dhexmaray iyaga iyo beelihii ay la deriska ahaayeen. Adeerow inkasta oo eeyan isku degaan ka soo kicin misana waxaa la malaynayaa in hayaankii beesha Dagoodiye uu dhinac socday kaa beelaha Mareexaan, sidaasna ay dagaaladii lagu kiciyay reerka Booran ay ka wada qayb qaateen. Dagaaladaasi waxay ahaayeen kuwo lagu hilboobay, waana kuwa sababay in s! ! oomaalidu degaan ku yeelato halkaas. Mar ay Boorantu fadhi ku lahaayeen buurta u wayn degaanka ee la yiraahdo Humbaale ayay soomaalidii u soo tiriyeen tix iyaga oo leh :
Humbaale Humbaale
Humbaale af-wayne
Shuun oday waaye
Haddaad ood ka goyso
Aabaa iga dhaartay.
Soomaalidii waa ay ka soo jawaabeen iyaga oo leh :
Humbaale Humbaale
Humbaale af-wayne
Shuun oday waaye
Haddaad oon ku guurin
Aabaa iga dhaartay.
Adeerow waxaa kale oo xusid mudan Shiikha la yiraahdo Ibraahim Xasan Yabarow oo dhalashadiisu ahayd Wanla-wayn, kaas dalka ku soo laabtay sanadkii ugu dambeeyay qarnigii 18-aad. Shiikh Yabarow oo ahaa nin ka tirsan dariiqada Axmadiyada ayaa bilowgii qarnigii 19-aad wuxuu aasaasay xarumihii xertii Baardheere ee magaceedu ahaa Jamaacada. Sanadkii 1797-kii ayuu Shiikhu magaalada xurmaysan ee Maka wuxuu kula kulmey Shiikh Axmad Bin Idiriis oo ahaa ninkii aasaasey dariiqada lagu magacaabo Axmadiya. Adeer ! goor dambe ayuu shiikhu wuxuu noqday nin asal raac ah. Wuxuu hoggaamiye ka noqday dhaqdhaqaaq lagu nooleynayo saldhigyada diinta Islaamka. Shiikhu wuxuu qaatay aragti lamid ah tii uu Shiikh Maxamad Cabdi-Wahaab ku baaqay oo ahayd diin aanan barax lahayn dariiqona aanan ku xirreyn. Shiikh Yabarow wuxuu dadka kala diriri jiray tubaakada, heesaha, cayaaraha iyo is-dhex galka ragga iyo dumarka.! ! Wuxuu ka reebi jiray macsida. Wuxuu dadka fari jiray in laga reebtoomo ganacsiga xubnaha duur-joogta. Dumarka wuxuu fari jiray in oogadooda ay asturaan. Guud ahaanna wuxuu dadka u sheegi jiray in ay ku dhaqmaan shareecada Islaamka, cibaadadana ay ku dadaalaan. Shiikhu wuxuu yeeshay xarun u saldhig ah oo uu dadka wax ku baro. Waxaa halkaas ka abuurmay dugsiyo lagu barto noocyada culuumta diinta Islaamka. Sanadkii 1819-kii, tirada ragga ardayda halkaas wax ku baranaysay waxay dhaafsiisnaayeen 100 nin. Sanadkii 1840-kii, tirada xertii Shiikhu waxay kor u dhaaftay 20.000 oo nin, kuwaas oo badankoodu ahaa qolyihii Daaroodka ahaa ee degaanka ku soo hayaamay

No comments:

Blog Archive